(Go: >> BACK << -|- >> HOME <<)

Jump to content

Talk:Bogga Hore

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
Fiira gaar ah uyeelo!
Boggaan waxaa loogu talagalay wadahadalka ku saabsan Bogga Hore. Fadlan ha'ku qorin qoraallo kale hadii ay jirto fikir ama waxa kale, Kusoo bandhig Goob.


talo soo jeedin

waxaan arkaa in maqaalo yar aad ku soo celcelisaan boga hore wikisomalina ay ku jiraan maqaallo kale oo badan waliba buuxiyay shuruudaha sharaxaada, marka ka hawl gala akhyaareey oo jaadadka boga hore badiya mahadsanidiin --shaqaaf 08:38, 4 Febraayo 2016 (UTC)

Waa mahadsantahay Shqaf, in kasta oo aadan weli sixin qaabka saxiixa, si kasataba waxaad soo jeedisay in bogag la sharxo laguna soo bandhigo bogga hore, waxaad ogaataa dhammaan waxa ku jira bogga hore ama inta badan aniga ayaa galiyay, shuruud ay buuxiyeenna ma jirto sida loogu talo galayna ma gaar siisna, haddii aad hayso maqaal wanaagsan bal bal halkaan noogu soo gudbi mhadsanid.

--Abshirdheere 14:20, 4 Febraayo 2016 (UTC)[reply]

DIIWAANKA BOQORTOOYADA GAALJECEL Qaybta Koowaad} ABTIRKA GAALJECEL SARANSOOR

Beesha Gaaljecel waa beel nabadeed aadna u jecel diinta, waa qabiilka ugu geela badan guud ahaan Soomaaliya.

Gaaljecel guuroow Dagoow Geelle eriloow

Gojaxa wayn guuriyoow Guul guul ma gali

Gubnaha gaaleey qabaan Gaaljecel guullaas qabaa

Tolwaynaha Gaaljecel waxay dagaan gobolada: Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelada hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubada hoose, Jubada dhexe, Banaadir, sidoo kale beesha waxa ay dagtaa gobalka Togdheer, Dhulka soomaali galbeed ee Itoobiya gumaysato, Dhulka Soomaalida koofurta fog ee Keenya gumaysato.

Tolwaynaha Gaaljecel abtirsidiisa waa sidan: Gaaljecel Saransoor mataan Riyaale garjante Gardheere Samaale Hiil Abroone. Tolwaynaha Gaaljecel waxa uu u kala baxaa:

1. Barsane waa curadka Gaaljecel waxaana ka dhashay halyeyga ugu caansan Soomaaliya, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Sheekh Nuur oo ku magac dheeraa Sheekh Xasan Barsane.

2. Sooraanle: waxa uu dhalay Saddax wiil oo kala ah :

♣ Doqondiide, waxa uu u kala baxaa laba jufo oo kala ah:

Zubeer iyo Ilkoolo

♣ Macaawiye: Waa jufo ilbax ah, una badan ganacsato, hasayeeshee dulmi badan iyo xad-gudub ayaa lagula kacay oo falkaasina waxaa u dhan gaaljecel.

♣ Dhoolo-dhaqan; asna wuxuu dhalay Ersandhali: waxa uu u qayb samaa;

■ Dirisame: waxa uu u kala baxaa laba Jufo oo kala ah:

Gargilis iyo Waasuge

■ Doorwaaq: waxa uu u kala baxaa :

● Abtisamo waa curudka jufada Doorwaaq waxaana u sii kala baxaa laba jilib oo kala ah •Xaaji Saalax waa hogaanka dhaqanka Tolwaynaha Gaaljecel, waxaana ka soo jeedo ogaasyada beesha. • Jidfarax waa tujaar iyo geesiyo u taagan had iyo goor kor u qaadida magaca beesha.

● Milaax: waa jilib ku caan ah geesinimo, go'aan adeeg iyo hogaaminta guluf dagaakeedka.

● Lahubo: waa Jilibka ugu badan Tolwaynaha Gaaljecel, waxayna u kala baxaan.

  • Cumar waa laba jilib oo kala ah:

● Makaahiil waa Jilibka ugu geela badan Tolwaynaha Gaaljecel, waxay caan ku yihiin, dagaalyahanimo, geesinimo, waxaana ka dhashay halyeeyada xaga dagaalka iyo gartaba waxaana ula baxaa lafo badan oo kala ah;

★ Cali Makaahiil oo loo yaqaan oo uu ku caan baxay {Odacad Deeqle} ama {Jabiiq} Waa curudka Makaahiil waxa lagu yaqaanaa geesinimo ,deeqsinimo, dagaalyahanimo, xornimo doon ,

  • Cali Makaahiil waxa uu dhalay laba wiil oo kala ah : Maxamad waxa uu dagaa Harar dhulka soomaali galbeed, gobalka Awdal iyo Jabuuti
  • Faarax waxa uu dhalay Hilowle, oo isagana dhacay Caalin:

Caalin Hilowle, waxa uu ahaa hogaamiye cadaalad ah, waxa uu dhalay todobo wiil oo kala ah: 1. Nuur Caalin 2. Samatar Caalin 3. Wacees Caalin 4. Borrow Caalin 5. Xasan 6. Cumar Caalin 7. Maxamuud Caalin

● Yabar Makaahiil waa laba;

      1. Muuse    2. Aadan

♥ Aadan Yabar waa afar;

  1. Dhoorow   2. Ciraaq
  3. Axmed        4. Ismaaciil

Labada hore ee Dhoorow iyo Ciraaq way caroodeen lama haayo wax ka jooga.

♥ Ismaaciil Adan waxa uu u kala baxaa :

  ● Caafi Cifaaf Cabdi
  ● Caalin Cifaaf Cabdi
  ● Sugoow Rooble Cabdi
  ● Faarax Xirsi Rooble
  ● Cali Cabdi

♥ Axmed Aadan

   ● Cumar Mataan Cabdi Axmed
   ● Eraballa Cabdi Axmed
   ● Yabar Kheyr Cabdi Axmed oo kala ah; 
    1. Aamin Yabarow 2. Xalane Yabarow iyo
3. Maxamuud Yabarow oo kala ah Saddax:
     ● Dheemow   ●  Magan iyo ● Noolow

● Bees Lahubo; waa jufo nabadda jecel waxay caan ku yihiin aftahanimo iyo codkar waxaan looga maarmin garta iyo geed ka hadalka.

Hadalka gad ayuu leeyahay lama gudbaane.

Tolkana gudoonuu leeyahay iyo gar yaqaane.

Gole ka hadal gorfeynta xaajada geedka dhaqameed.

Laguma gaaree Bees Lahubo waa gudoon kiye.


● Caloofi Lahubo waa jufada ugu tirada badan sadaxda lahubo dorwaaq sido kale waa ugu geel badanyihiin waana halyeeyo geesiyaal eh wuxuu u kala baxaa laba jufo

- Bilac Caloofi

- Yabar caloofi

- kaboole caloofi

09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)Qabaailada (talk) 09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)[reply]

Abwaan Cumar Mahad

Wixii aan khalday waa gaabis xageyga ah, aadane ma dhameys tirna, waxaan u istaagay ururinta iyo qorida taariikhda, Suugaanta, Hidaha iyo Dhaqanka Beel waynta afarta ilma SARANSOOR.

waxaan si sharaf leh idiin kaga codsanayaa inaad ii soo dirtaan Maansa yahanadii hore ee beesha gabayadii ay tiriyeen cidii wax ka haysa.

wixii dheeraad ah noogu soo hagaaji gaaljecelsamow@gmail.com

1. Dalka dacal ka dacalaan dagnaa daahna ma saara. 2. Dabato ma nihin qabiil duunyo badan daaqsadaa nahaye.

3. Reeraan dab loo shidin hadana daaqsadoo guura. 4. Oo ilmaha doobta caanaha dacal jiifaan. 5. Waa duni kale oo gaara dowlada Gaaljecele.

6. Dhaqan aan duugoobin iyo taariikh dahabiyaan leenahaye. 7. Nabad la doono iyo daris wanaag waa dabci noo gaara.

8.Dulmiyo ma jeclin dirir sokeeye dilid walaal keeye. 9. Ma daayo cadaw soo duulay iyo daalim ii cola.

10. Dar Alaan u noolahay iyo difaaca xaqa diineede. 11. Haduu daandaansi jiro iyo gumeyste duulaana. 12. Tolkeyga waa uga dartaa abid koodba daaya nabadeede

Somaliland maxaa ka hortaagan ictiraaf inay hesho

Somaliland maxaa ka hortaagan ictiraaf inay hesho

samaliland maheli doonto istiraf xataa markaan madax waynaha noqdo 2026 xitaa uma ogalanayo wayo uma dulqadan karo soomaliya oo lakala jarjarayo insha allah waxan isku dayayaa waxwalba inaan wada hadal ku dhameeyo Madax waynaha 2026 (talk) 21:18, 8 Nofeembar 2018 (UTC)[reply]

Somaliland ictiraafk inay heshaa waxa ka hortaagan Somalia mana dooneyso Somalia qayb kamid ah wadankeeda inay gooni isku taagto marka waxaan dhihi karaa Somaliland waxay ictiraaf heli doonta markii lawaayo Somalia Kacab Hussein Dek (talk) 09:36, 11 Luuliyo 2019 (UTC)

Salaan iyo soo noqod

As cl akhyaarta waa idin salaamay, maqnaasho dheer ka dib isu soo noqod wacan,--Kali duul (talk) 20:06, 2 Febraayo 2018 (UTC)[reply]

Talo bixin

Waxaaan ka hadlaynaaa inshallah Bal maanta oo at tahay taariikhdu. 29/1/2019 ee ingriiska in aan wax ja iftiimino sidii for loogu qaadu lahaaa luuqadeena hooyo EEE afka soomaaaliga narka hore ra' yigiina dhamaan waaana dood furan.

1: jidia ugu haboon een u maro inaan ku hot Marino afsoomaaliga? By :. mohamedjarar1234@gmail.com Mohamedcabdulaahi (talk) 22:25, 28 Jannaayo 2019 (UTC)[reply]

Qabaailada soomaaliya

Qabaailada soomaaliya Qabaailada (talk) 09:02, 23 Abriil 2019 (UTC)[reply]

Wayteen Absame waa Qabiil kamida qabaa'ilada Somaliyeeed Wuxuu Galaa Daarood wuxuu kayahay kablalax kuumade Absame Wayteen,

Wayteen Ku wuxuu caan Ku yahay Diinta Muslimka kuwaasoo daga deegaamo kala duwan Bariga somaliya iyo Somaligalbeed iyo koonfurta somaliya ilaa NFD iyo shabelada Dhexe insha Allah waxaan idinla wadaagi doona taarikha hiisa oo dhamaystiran oo ka hadlaya Qabiilka aan sare kusoo xusnay.

Mahad Sanidiin Abdirahman Koonfuri (talk) 20:31, 12 Juun 2019 (UTC)[reply]

magaca shiikhaal waxa uu kulmiyaa bulsho aad u fara badan oo degta qeeybo farabadan oo kamida gayiga soomaalida.

 hadii aan hoos udaadego dulucda sheekadu waxa ay tahay ina magacaani si gaar ah ay uleeyihiin ilma sheekh sacdi daauud oo dhamaantoodba ahaayeen culimo sidaabaana loo yidhi sheekhyaal. 

waxana uu dhalay sheekh sacdi daauud sida ay xaqiijiyeen taariikh yahanada badankood

1-caagane oo uu faraciisa ka midyahay sheekh axmed (loobege).

2-faq maxamed  oo uu faraciisa ka mid yahay maxamuud (adeer).

waxa uu ku caanbaxay magaca adeer maadaama uu adeer u ahaa axmed (loobege).


waxan jeclahay  inaan halkaan kuso gunaanadno qormadeena maanta 

waxana idinlasoo wadaagi doonaa xog intaan ka dheeraad ah iyo qoraalo ay rewbeen Shiiqaaladeer (talk) 12:28, 24 Agoosto 2019 (UTC)[reply]

Geedaha caaanka ah

Edit Soomaaliya waxay leedahay geedo caan ah oo Soomalida inteeda badani taqaan. Kuwa ugu magaca dheer waxaa ka mid ah:

Hareeri. Qurac. Maraa. Qansax. Biclil , mareer.qurac

Geedahaan waxaa looga manaafacaadsadaa siyaabo kala duduwan sida: Shidashada, alwaax ka qorashada,loox ka samaysiga, udbo ka qorashada, marriin ka samaysashada iyo waxyaala kaloo badan.

Waxaa kaloo ayaguna jira geedo xarko laga samaysto. Sida xaskusha. Abwaan gacal dabshaan (talk) 00:45, 21 May 2019 (UTC)

By Abwaan Dalxa Abwaan Dalxa (talk) 23:04, 1 Sebteembar 2019 (UTC)[reply]

By Abwaan Dalxa Abwaan Dalxa (talk) 23:04, 1 Sebteembar 2019 (UTC)[reply]

Gabay aqoonta kahad laaya by.Abwaan gacal dabshaan

  • Axmadoow ga,adii gabay watanan tirin tan yo gordhere
  • ina aaan gor fayn wayana lamood gabayga suuganta
  • Aaan bal giijo maantoo kaluuu igud boon yahayeee
  • goortaaana cilmigaan raba inaan idin ku giijaaye
  • war waa gagi barwaaqa oo nabadu ay giigto
  • oo gaydho iyo caday gabax lagu ilaaleeyo
  • Aad migii gar waaqsadaan cidina gaarayne. 1


  • Aduun yadaan gidoon tayoo horumarka gaaraysa
  • goobtaa waxay ku gaareen ogoow aqoonta weeyaane
  • Gantaalahan quwada wayn yeeshayo islaam lagu garacaayo
  • cilma lagu gorfeyayo gibilalo yelay
  • Aadmigii garwaq sadaan cidina garayne


  • gunta hadal kaygana hadan idin yar garsiiyo
  • garashiyo aqoonbaa aduun lagugar qadaye
  • jaahilnimo inay guntahaan idin gar waaq siiyay. 2 Abwaan gacal dabshaan (talk) 00:50, 21 May 2019 (UTC)

Looge maxamed

Waa midkamida beelaha reeryoonis ee muuse abokor habarjeclo Beesha looge waxay degtaa Gobolada togdheer sool iyo saraar gaarahan beeshu waxay isoa leeedahay degmada waridaad uuna ka maayir yahay Cabdilahi jamac cawed indha deero sido kale beeshu waxay degtaa degmada wadamagoo ee gobolka saraar fiqiayuub oo togdheer ah Waxa ka dhashay rag taarikh ooy ka midyihin Caqil faarax xaji diriye Abwaan calanle muuse maxamed Maxamed yare xildhiban Khadar jeesto jaamac dhagayste siciid cabdile cabdi cawed cali indha deero Dabayl (talk) 10:29, 8 Luuliyo 2019 (UTC)

sheekhaal adeer

magaca shiikhaal waxa uu kulmiyaa bulsho aad u fara badan oo degta qeeybo farabadan oo kamida gayiga soomaalida.

 hadii aan hoos udaadego dulucda sheekadu waxa ay tahay ina magacaani si gaar ah ay uleeyihiin ilma sheekh sacdi daauud oo dhamaantoodba ahaayeen culimo sidaabaana loo yidhi sheekhyaal. 

waxana uu dhalay sheekh sacdi daauud sida ay xaqiijiyeen taariikh yahanada badankood

1-caagane oo uu faraciisa ka midyahay sheekh axmed (loobege).

2-faq maxamed  oo uu faraciisa ka mid yahay maxamuud (adeer).

waxa uu ku caanbaxay magaca adeer maadaama uu adeer u ahaa axmed (loobege).


waxan jeclahay  inaan halkaan kuso gunaanadno qormadeena maanta 

waxana idinlasoo wadaagi doonaa xog intaan ka dheeraad ah iyo qoraalo ay rewbeen Shiiqaaladeer (talk) 12:31, 24 Agoosto 2019 (UTC)[reply]

Midnima doon

Soomaaliya mexey ka midoobi la'dahay? Yuusuf cabdalle (talk) 16:06, 24 Agoosto 2019 (UTC)[reply]

Buur Hakaba

Ururka Dhalinyarada Ee Nadfaada Ku Dhisan Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Dib U Bilaabey Nadaafada Deegaanka. Abwaan Dalxa (talk) 23:07, 1 Sebteembar 2019 (UTC)[reply]