(Go: >> BACK << -|- >> HOME <<)

Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah e qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 8,005 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka
Link=Wikipedia:Maqaallo Xul Ah Maqaal Xul ah
caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya
caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar weyne) xamar jab jab (Xamar Cade), xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar. (SII AQRI)

Link=Wikipedia:Maqaallo Cusub Maqaal Cusub
Dawladaha Federaalka ah caalamka
Dawladaha Federaalka ah caalamka

Dawlad Federaal ah ama dawlad midow ah Ama dawlad dhexe waa qaab ka mid ah qaabka dawladnimo, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen gobollo ama degmooyin ama dawlado wada nool iyagoon kala go´in, dawladii ugu horeeysay ee caalamka samaysaty habka Federalka waxa ay ahayd Maraykanka markii ay ka xuroobayeen Ingiriiska waxaa isku tagay markii ugu horeysay 13 gobol 1787, 2 sano kadib waxaa la sameeyey dastuur federal ah dawladdaasna waxaa madax ka noqday Giorge washington.

Habka Federaalka Federaalnimadu waa hab dasturi ah oo Dawladda dhexe oo kor ka matasha waxayna leedahay awoodeeda sharci dajineed , fulinta iyo maxkamadaheeda. Laakiin gudaha waxa ay noqonayaan gobollo kala madax banaan, sida caadiga ah waxaa dhacaysa awoodaha in ay kala qaybsadaan dawlada dhaxe iyo gobolada hab dasturi ah.

Waxa ayna noqonaysaa sidaan soo socota:

  • 1 In la xadido aoowda maamul goboleedyeda ee looga dambeeyo Dawlada Federaalka ah
  • 2 in Dawlada awoodeeda la yareeyo ee loo daayo goboloda maamulkooda
  • 3 in loo daayo dastuurka waxa uu qabo.

Soomaaliya iyo Federaalka Horta oraahda ah Federaal lagu dhaqmo waxaa ugu horeeysay ee afkiisa laga maqlo madaxwaynihii hore ee Soomaaliya 2004-2008 Cabdullahi yuusuf axmedee lagusoo doortay shirkii embegati ee ka dhacay kiinya oktober 2004 tii asigoo ka helaya gacan madax ay saaxiibo yihiin haba ugu horeeyee Melle zenawi, kadibna waxa uu ku guuleeystay in Dawladda lagu magacaabo Dawlad federaal ah "TFG" Dowladda federalka isla markaana kumeel gaar ah.

Waxaa asigana ku xigay oo mar labaad kor uqaaday Dawlad kasta ee dhalataa in ay qaadato nidaamka Federaalka ah ninka lagu magacaabo Md C/raxmaan Faroole ee ah Madaxa maamulka Puntland. (SII AQRI)

Link= Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Link= Waa maxaay Wikipedia ?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Link=Wikipedia:Hooyga Hooyga Wikiga

Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z

Ma Ogtahay...

Atomku waa wax yer oo ilmaqabata ah, waana qayb ka tirsan Maatarka waxaan ognahay in uu yahay maatarka wixii cufleh culaysnaleh meelmadhana buuxin kara. Qaabka Atom Helium oo ay ku jiraan 2 Borotoon Cascas (Guduud), 2 Niyutaroon oo Doog ah (Cagaar) iyo 2 Elektaroon oo huruud ah (Jaallo).

Atomka waa walxaha ugu yar kimikada waxa ay ka timid Atomos Gariiga oo macnaheedu yahay ma qaybsanto.

Atom kastaa waxa uu koobanyahay, Borotoono (+) Togane ah , Niyutaroono (0) iyo Elektaroon (-) Tabane ah, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Hydrogen, taas oo aan lahayn Niyutaroono.

Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed.



Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid.

Haddaba cufka Elektaroonka negi waa 9,1093826 × 10−31 kg

Kan Borotoonkuna waa 1,6 × 10−19

Kan Niyutaroonkuna waa 1,674 927 29 × 10−27 kg

Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer. Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atommka danabkiisu waa eber(0), waayo inta elektaroon iyo inta borotoon ee ku jirtaa way isleegyihiin


MQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
Link= Sawirka Maanta


Link= Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Link= Waxaa La Yiri
6

Geelu geel fulay gaadhi maaye haka daba fulo. ♦Walaalkaa oo kuu macaan halmar lama wada muudsado.

WikiOraah Kale

<div style=
Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
WikiQaamuus
Qaamuus
Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Wikispecies
Lajien luettelo
Wikinews
Warrarka
Commons
Feylasha guud
Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 8,005 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin

All

Luuqadda