(Go: >> BACK << -|- >> HOME <<)

Jump to content

Farqiga u dhexeeya dib u fiirisoshooyinka Soomaali

Ka Wikipedia
No edit summary
y La difaacay "Soomaali": High IP vandalism ([Wax ka bedel=Allow only autoconfirmed users] (indefinite) [Wareeji=Allow only autoconfirmed users] (indefinite))
(No difference)

Bedelaadkkii ahaa 18:33, 1 Nofeembar 2015

Boga "Dadka Soomaalida" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Somalis
Soomaali
الصوماليون
File:Soomaalida.GIF
1aad Safka sare: Daa'uud Cabdulle XirsiHadraawi • Suldan Yusuf Ali Kenadid • Suldan Mohamoud Ali Shire
2aad Safka dhexe: Maxamad Cabdulle xasan • Fatima Jibrell • Iman Abdulmajid • Cusman Yusuf Kenadid
3aad Safka hoose: Nuuraddin FaaraxAsli xasan CabaadeSheikh Mukhtar Mohamed HusseinMaxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Thiinada guud ee dadka
16-19 malyan
Meelaha ay ku badan yihiin
Geeska Afrika, Bariga Dhexe
 Soomaaliya 8.5 malyan
 Itoobiya 4.6 malyan
 Kenya 900,000
 Yemen 858,000
 Jabuuti 464,600 [1]
 Kanada 150,000 [2]
 Talyaaniga 6.343 [3]
 Maraykanka 85,700 [4]
 Holland 40,165 [5]
 Norway 27 523 [6]
 Imaaraatka Carabta 25,000 [7]
 Sacuudi Carabiya 20,000 [7]
 Denmark 16,550 [8]
 Finland 9,000 [9]
 Australia 6,403 [10]
Luqada

Somali iyo Carabi[11][12]

Diinta

Islam

Dadka ay dhalyo wadagaan

CarabCafarAgawBejaOromoRendilleSaho

Soomaali (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.

Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:

Loona yaqaan Soomaaliweyn

Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo af ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah ama si kale hadaan u dhigo waxan aan odhan karna baad iyo biyo. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso . waayadii hore markii ay soomaaliya nabad ahayd iskuulaad iyo jaamacado badan ayaa ku yaalay dalka soomaaliya. dhaqaalaha dalkana kor ayuu u socday. Somalida waxay ganacsi la lahaayeen wadamada carabta iyo aasiya iyo yurub.. dagaaladi Soomaaliya siday u bilaabmeen , waxaa dhacday in ay soomaliduu isku dilaan qabiil dartiis iyo is fahmi la aan.. maanta Soomaalida dhibaato ayay ku sugan yihiin meelkasto ay joogaan.Waxaana keenay dulmiga ay ayaguu isku gaysteen somalida boqolkiiba 30 waa qaxooti oo wadamada kaley ku kala nool yihiin. waxayna u badan yihiin wadamada Itoobiya, kiinya, jabuuti, kanada, Mareykanka, Iswiidhan, Denmark, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Shiinaha iyo wadamo kale oo aan la tiri karin.

Soomaalida meelaha ay ku badanyihiin

Map Kaan waxa uu muujinayaa meelaha ay ku badanyihiin.

Taarikhda

Khubarada ku xeeldheer Taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga (Soo) macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga (Maal) uu macnihiisu ka soo jeedo Lis. Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Soo Maal Saca, rida, laxda, geela). Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa)( ذو مال) oo macna ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh. Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaale oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa. Samaale ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale). Taariikh ahaan dalku waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalka loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Afrika.

Soomaalidu waa dad ku dhaqan meelo badan oo caalamka ah, laakiin asal ahaan lagu yaqaano Geeska Afrika.

Qoraalo Kale

Tixraac