(Go: >> BACK << -|- >> HOME <<)

Jump to content

Farqiga u dhexeeya dib u fiirisoshooyinka Sadaam Xuseen

Ka Wikipedia
Content deleted Content added
y r2.6.4) (robot Adding: war:Saddam Hussein
y r2.7.1) (robot Adding: arc:ܨܕܐܡ ܚܘܣܝܢ
Safka 76: Safka 76:
[[af:Saddam Hoesein]]
[[af:Saddam Hoesein]]
[[ar:صدام حسين]]
[[ar:صدام حسين]]
[[arc:ܨܕܐܡ ܚܘܣܝܢ]]
[[arz:صدام حسين]]
[[arz:صدام حسين]]
[[ast:Sadam Husein]]
[[ast:Sadam Husein]]

Bedelaadkkii ahaa 03:01, 19 Agoosto 2011

Sadaam Xuseen

Madaxwaynihii shanaad ee Ciraaq
Maqac Sadaam Xuseen
Dhashay 20 Abriil 1937
Dhintay 30 Deseembar 2006
Diinta Islaam, Sunni

Sadaam Xuseen Cabd al-Majid al-Tikriti (Carabi: صدام حسين عبد المجيد التكريتي ) waaxuu ahaa madaxwaynihii Ciraaq, laga bilaado taariikhdu markey ahayd 16 Luuliyo 1979 ilaa 9 Abriil 2003. Sadaam Xuseen wuxuu noolaa, laga bilaabo 28 Abriil 1937 ilaa 30 Diseembar 2006, wuxuu jiray 69 sano.

Abriil-28-1937-ayuu ku dhashay Al-awja,Ciraaq oo u dhow magaalada Tikrit oo u jirta 200km waqooyiga Baqdaad.

1956-ayuu ku biiray xisbiga Ba’ath

1958-lix bilood ayuu xirnaa ka dib markii lagu eedeyay inuu waday dhaqdhaqaaq dowlada looga soo horjeeday.

1958-waxaa uu ka qeyb qaatay afgambigii leysku dayey in xukunka looga tuuro Abdulkarim Qasim, wuxuuna ka dhaawacmay lugta kadibna waxaa uu ufakaday Syria ka dibna Masarayuu sii galay.

Febraayo-25-1960-ayaa dil lagu xukumay asaga oo dalka dibada kaga maqan.

1962-waxaa uu Masar ku dhameystay dugsiga sare.

Febraayo-8-1963-waxa uu ku soo noqday Ciraaq.

Oktoobar-14-1964-ayaa la xiray waqtigaa oo ay socdeen olole lagaga soo horjeeday xisbigii Ba’ath.

1966-ayaa asaga oo xabsiga ku jira loo magacaabay ku xigeenka xoghaya guud ee xisbiga Ba’ath.

1967-xabsiga ayuu ka fakaday.

1968-asaga oo xubin firfircoon ka ahaa afgambigii waqtigaa waxaa uu mas’uul ka noqday nabadgelyada gudaha wadanka, isla sanadkaana waxaa uu dhameeyay kuliyada sharciga.

Juun-1-1972-waxaa uu hogaaminayey qorshe lagu qarameynayay ilaha Saliida kuwaaa oo ay maamulayeen shirkado reer galbeed ahaa.

Juun-1979-Sadam waxaa uu noqday madaxweynaha dalka Ciraaq.Ka dib markii uu xukunka kala wareegay madaxweyne Bakr taa oo ka dhalatay damacii Bakr ee ahaa in uu Syria la midoobo Sadamna taa waa uu ka soo horjeeday. Wuuxuna ku xukumay xabsi guri.

Sebteembar-17-1980-Sadam waxaa uu ka baxay heshiiskii uu 75-kii la galay Iraan ee ku saabsanaa xuduudaha.

Sebteembar-22-1980- waxaa bilaabmay dagaalkii Ciraaq iyo Iran.

1988-Ciraaq ayada o kaalmo ka heleysa Ciidamada bada ee mareykanka ayey dib u qabsatay dhulkii Iraan kaga qabsatay intii dagaalka lagu guda jiray ee u dhaxeysay 1984-86.

Luuliyo-waxaa dhamaaday dagaalkii Iraan iyo Ciraaq.

Agoosto-2-1990-Ciraaq waxa ay qabsatay Kuwait.

Janaayo-17-1991-ayaa in ka badan 30-dawladood Ciraaq ka saareen dhulkii Kuwait.

1994-dhaqdhaqaaq melateri ayuu Sadam ka sameeyay xuduudka Kuwait.

1998-Sadam waxaa uu eryay shaqaalihii qaramada midoobay.

Oktoobar-15-2002-waxaa la qabtay doorashooyinkii madaxweynaha Sadam waxaa uu ahaa musharaxa kaliya ee u taagan madaxweynenimada wuxuuna ku guuleystay aqlabiyad dhan cod ah.

100%.--Yariiska 23:46, 18 Febraayo 2008 (UTC)